Waxaynu maqaalkan ku lafa guri doonaa waxa ay tahay siyaasadu iyo kuma ama qofkee siyaasi ah, taas oo aynu ku salayn doono nidaamka siyaasada wadamada dunida iyo midka ka jira geyiga Soomaalida xilligan oo ah mid salka ku haya qabiil la siyaasadeeyey. Waa Maxay Siyaasad? Siyaasadu waa mabaadi aas aasi ah oo dawladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqbalka isla markaasna ay ku maamusho dadka ay u xukumeyso si ay u gaadhaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal. Taas oo isku xidheysa iyada iyo dalalka kale ee dunida iyada oo laga duulaayo danaha gaarka ah ee mushtamaca ay daawlada u tahay, iyada oo loo maraayo hab sharci ah oo aan ka hor imanaynin dastuurka iyo xeerarka kale ee markaas ee mabnuucaya joojinta iyo ka hor tagida wax kasta oo dhib ku ah hanaanka iyo hor u socodka qaran kasta oo dunida jira. Qeybaha Siyaasada Noocayda siyaasada waxa loo qeybiyaa saddex waxaanay kala yihiin, Siyaasada Dadweynaha, Siyaasada Caafimaadka, iyo Siyaasada Sharciyada. Siyaasada ...